Abiy Ahmed Oo Amray Ciidankiisa Iney Dagaalka U Galaan Si Taxaddar Leh Iyo QM Oo Ka Hadashay

0
237

Abiy Ahmed Oo Amray Ciidankiisa Iney Dagaalka U Galaan Si Taxaddar Leh Iyo QM Oo Ka Hadashay

Wuxunna Abiy sheegay ciidamadiisu inuu ku amray dagaalka iney u galaan si taxaddar leh ayna qaadaan wax kasta oo ay ku yareyn karaan qasaaraha dagaalkaasi ka soo gaari kara shacabka rayadka ee magaalada Maqale ku nool.

Jabhadda Xureynta Shacabka Tigraay ee TPLF oo gacanta ku haya magaalada Maqale waxay sheegeen iney dagaalka sii wadayaan oo ay marnaba ciidamada Abiy iisu dhiibeyn.

Qaramada midoobayna waxay ka digtay suurtagalnimada dambiyo daagaal iney ka dhacaan magaalada Maqale inta uu dagaalka uu socdo.

Madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Michele Bachelet oo BBC u warrantay waxay sheegtay dadka magaalada ku nool iney soo wajahday “qatar aad u weyn”.

“Runtii waa mid laga argagaxo xaaladda halista ah ee ay ku jiraan shacabka Tigraay gaar ahaan, dadka rayadka ah ee ku xayiran magaalada Meqale,” ayey tiri.

Waxayna intaa ku dartay “suurtagalnimada iney dhacaan xadgudubyo halis ah oo ka horimanayo sharciyada xuquuqda aadanaha ee caalamiga”.

Hadalkan Abiy ayaa ku soo beegmaya kaddib marki uu dhammaaday seddexdi maalmood ee ay dowladda u qabatay xoogagga TPLF iney si nabad ah dowladda isugu soo dhiibaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here