Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Shirka Musharixiinta Madaxweynaha

0
279

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Shirka Musharixiinta Madaxweynaha

Shirka Midowga Musharixiinta ayaa la filayaa in Maanta lasoo gaba-gabeeyo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana saacadaha soo aaddan laga soo saari doonaa War-murtiyeed, lagu faah faahin doono waxyaabihii ay Musharixiintu isla meel dhigeen shanti maalmood ee ay Muqdisho ku shirayeen.

Afhayenka Golaha Musharxiinta Ridwaan Xersi ayaa sheegay in Maanta Afar saac lasoo gaba-gabeyn doono shirkka.

Intii uu socday Shirka ayaa waxaa ka qayb galay Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Dhalinyarada, Odayaasgha Dhaqanka iyo Siyaasiyiin kale.

Waxaana diiradda lagu saaaray arrimo la xariira dooarshasda soo aaddan, iyadoo eedeymo kala duwan loo soo jeedayay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne farmajo, waxaana Afheyenka Murashixiinta oo warbaahinta la hadlay uu sheegay in dowladda hadda talada haysa ay fashilantay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here