Sarkaal Ka Tirsanaa CIA-Da Mareykanka Oo Lagu Dilay Soomaaliya

0
338

Sarkaal Ka Tirsanaa CIA-Da Mareykanka Oo Lagu Dilay Soomaaliya

Sida uu Qoray Wargeyska New York times Sarkaal ka tirsanaa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in dilku uu dhacay maalmo ka hor.

Sarkaalka oo la sheegay in uu ka mid ahaa Saraakiisha uigu fir –fircoon hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, ayaa la sheegay in lagu dilay Howlgal ka dhacay gudaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in markii hore uu dhaawac soo gaaray, kadibna uu u dhintay dhawacaasi oo ahaaa mid halis ah sida ay sheegen Saraakiil kale oo ka tirsan CIA-da mareykanka.

Waxaana la qariyay inta badan qaabka loo dilay Sarkaalka, iyadoo aan la kala caddeyn in lagu dilay weerar toos ah si akle, balse waxaa la sheegay in dhaawac soo gaarfay uu u geeriyooday, Wargeyska ayaa sheegay in uu si gaar ah uga tirsanaa  ciidamada xulka ah ee Mareykanka ee loo yaqaan SEAL Team 6, kuwaasi ah Ciidan si gaar ah tababaro kaal duwan loo siiyo.

Horay Madaxweynaha laga guuuleystay ee dalka maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Ciidankooda iyo Saraakiisha kaga sugan gudaha Soomaaliya ay kala bixidoonaan, waxaa Dalka MARAYKANKA Soomaaliya ka jooga ciidamo  gaaraya 700.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here