Ismaaciil Cumar Geelle “Waxaan Ka Cabsi Qabnaa In Ay Soo Baxaan Baarlamaan Ay Si Dadban U Maamulaan Al-Shabaab”

0
242

Ismaaciil Cumar Geelle “Waxaan Ka Cabsi Qabnaa In Ay Soo Baxaan Baarlamaan Ay Si Dadban U Maamulaan Al-Shabaab”

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in doorashada nagu soo aadan ee Soomaaliya lasoo dooran doono xildhibaano si dadban ay u maamulaan Al Shabaab.

Madaxweyne Geelle oo wareysi siinayay The Afrika Report ayaa yiri “Doorashada baarlamaanka Soomaaliya waxaa la filayaa inay qabsoonto sanadka 2021-ka, waxaan ka cabsi qabaa inay kusoo afjaranto doorashada xildhibaano si dadban ay u maamulaan Al Shabaab maadama ay gadan karaan taageerada qaar kamid ah xildhibaanada”

Wuxuu intaas ku daray in saameynta Al Shabaab ay sii fiday isla markaana ay canshuur ka qaadayaan ganacsatada iyo sidoo kale inay xeryaha qaxootiga ay ka qorayaan dhalinyarada shaqo la’aanta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here