Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Niger Mamadou Oo Geeriyooday

0
251

Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Niger Mamadou Oo Geeriyooday

Dowaladda Niger ayaa shaacisay in Madaxweynihii hore ee dalkaas Tanga Mamadou oo ahaa 82 jir geeriyoday, sida lagu shaaciyay qoraal goor dambe oo Arbaco ah kasoo baxay Madaxtooyada dalkaas

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda isagoo ka xun wuxuu idinla socodsiinayaa geerida Mudane Tanga Mamadou, madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Niger” ayuu lagu yiri Qoraalka Madaxtooyada.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dalka Niger geli doono seddex maalin oo baroor diiq  ah, isla markaana Calamka qaranka hoos loo dhigi doono maalmaha ay socdaan baroor diiqa loo sameynayo Madaxweynihii hore ee dalkaas.

Tanga Mamadou ayaa xukumayay dalka Niger sanadihii 1999 ilaa 2010.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here