Banaanbax Xoogan Oo Lagu Difaacayo Rasuulka SCW Oo Ka Dhacay Muqdisho
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Banaanbax xoogan oo looga horjeeday Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, kadib markii uu Madaxweynahaas Aflagaadeeyay Diinta, taageerona u muujiyay Ninkii Sawirka ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH.
Waddooyinka qaar ee Muqdisho ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne farabadan oo aad uga careysnaa hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Macron, iyagoona si weyn u muujinyay sida ay u jecel yihiin Rasuulka SCW.
Qaar kamid dadkii dhigayay Banaanbaxa ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah dowladda Faransiiska iyo Madaxweynahooda, waxaana erayada kamid ahaa “Rasuul diiday doonimeyno, waana murtad weyn” iyo erayo kale oo lagu muujinayay inay siweyn uga soo horjeedeen Macron.
Sidoo kale qaar kamid ah banaanbaxayaasha ayaa sheegay inay dagaal ka xigaan qofkii ku xad-gudba Nebi Muxamed NNKH, ayna diigooda u daadin doonaan, iyadoona dadka ku dhawaaqayay Allaahu akbar, Allaahu akbar.
Waxaa kaloo dadka oo isugu jiray Haween iyo dhalinyaro ay nacladeen Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo dadka kale ee taageeray hadalkii uu ugu gafay Diinta Islaamka.
Dalal farabadan oo ka tirsan dunida Muslimka ayaa siweyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Emmanuel ee taageeray ugu muujiyay Ninkii la dilay ee Sawirka ka sameeyay Rasuulka SCW, waxaana dalalka Muslimka ka dhacay banaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo Madaxweynahaas.