Xildhibaanad Ilhan Cumar Oo Si Adag Ugu Jawaabtay Madaxweyne Trump

0
350

Xildhibaanad Ilhan Cumar Oo Si Adag Ugu Jawaabtay Madaxweyne Trump

xildhibaan Ilhan Cumar oo ka tirsan koongareeska dalka Mareykanka lagana soo doorto gobolka Minnesota ayaa fariin jawaab ah ku qortay barteeda Twitter-ka kadib eedeyntii ugu dambeysay ee madaxweyne Donald Trump uu u jeediyay siyaasadeeda iyo nolosheeda gaarka ah
Qoraalka ay soo dhigtay Twitter-ka, ayaa u muuqataa inay tixraaceyso hadaladiisii ​​ugu dambeeyay ee isu soo baxyadii ololaha ee la qabtay Jimcihii iyo horraantii Sabtida ee uu eedeynta kulul ugu jeediyay
Weerarada isdaba jooga ah ee aan kala kulano Trump waa kuwo shirqool ah ee aniga iyo siyaasiyiinta kale ee haweenka ah ee caanka ah maaha kaliya ragga. Tan waxay u horseedayaan hanjabaado isdaba joog ah oo ka dhan ah nolosheena.ayay tiri” Ilhan Cumar.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ilhan Cumar ay dalka Mareykanka, iyada oo qaxooti ah kusoo gashay si sharci darro kana timid Soomaaliya, iyada oo 12 sano jir ah, hadalkaas oo ay Ilhan Cumar ka carootay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here