Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Dilkii Loo Geystay Ugbaad Cali Fariina Diray

0
484

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Dilkii Loo Geystay Ugbaad Cali Fariina Diray

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta ka hadlay Dil dhawaan Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer loogu geystay Haweeneyd kamid aheyd dadka deegaanka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay Munaasabad ka dhacday Burco ayaa waxaa uu marka hore tacsi u diray Qoyska iyo Ehelada Maxruumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Ugbaad Cali Dhaban-loox.

Waxaa uu sheegay Muue Biixi in dilkii loo geystay Ugbaad Cali uu ahaa mid fool xun, isagoona faray hay’addaha Garsoorka Somaliland inay si deg deg ah loo dadejiyo kiiska Maxruumada oo loo haayo Nin la tuhmayo inuu falkaas dilka ah ka geystay.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ayaa ballan qaaday in horey laga fulin doono xukunka lagu rido Ninka eedeysanaha ee loo maleeynayo inuu ka dambeeyay falkii Ugbaad oo aheyd Hooyo  heysatay Saddex Caruur ah.

“Waxaan shacabka Somaliland ka tacsiyadeynayaa , gaar ahaan ardeyda maanta ka qalinjabinaysa jaamacadda Burco , gaar ahaan haweenka , dilkii foosha xumaa ee lagula kacay Ugbaad Cali oo maanta kamid ahaan lahayd ardeyda qalinjabinaysa jaamacadda , waxaanan farayaa hay’addaha garsoorka in hawsha sida ugu dhaqsaha badan loo dadajiyo , balana waxaan ku qaadaya inaan hore ka fuliyo marka uu isoo gaaro” ayuu yiri Muuse Biixi.

Allaha u naxariistee Ugbaad ayaa aheyd Hooyo saddex Carruur ah dhashay ayaa waxaa la sheegayaa inuu dilay Nin ay sheeko wadaag ahaayeen, kaasi oo ay qabteen Ciidanka Booliska Somaliland, isgoona haatan xiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here