Dowladaha Baxreyn iyo Israel oo si rasmi ah dib u soo ceshtay xiriirka diblumaasi

0
295

Dowladaha Baxreyn iyo Israel oo si rasmi ah dib u soo ceshtay xiriirka diblumaasi

Munaasabad ka dhacday magaalada Manama ayaa wadamada Baxrayn iyo Israel waxay kala saxiixdeen xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa. Labada dalna waxaa hadda la filayaa inay dib u furaan safaarado.

Heshiiska oo Mareykanka uu garwadeen ka yahay ayaa lagu saxiixay caasimadda Baxreyn, ee Manama, maalinkii Axadda.

Muddo tobanaan sano ah, dowladaha carabta badankood waxay qaadaceen Israel, iyagoo ku adkeysanaya inay dhisi doonaan oo kaliya xiriirkooda kadib markii la xaliyay khilaafka Falastiin

Baxrayn hadda waa waddankii afaraad ee carbeed ee bariga dhexe kadib markii dalalka sida Imaraadka carabta, Masar iyo Urdun ay aqoonsadeen Israel tan iyo aasaaskeedii 1948.

Xiriiradaan diblomaasiyadeed ayaa waxaa cambaareeyay Falastiiniyiinta , waxayna ku tilmaamen mid dhabar jebin ah.

Warbaahinta Israel ayaa tabisay in dukumiintiga aysan ku jirin wax tix-raac ah oo ku saabsan khilaafka Israa’iil iyo Falastiin.

Wasiirka Arimaha Dibada Baxrayn Abdullatif bin Rashid Al-Zayani ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay inuu rajaynayo “iskaashi miro dhal ah oo dhinac walba ah in uu dhexmaro labada dal.”

Wuxuu sidoo kale ku baaqay nabadda gobolka oo ay ka mid tahay in laba dowladood ahaan loo xaliyo khilaafka Falastiin.

Kooxda Israa’iil waxay raceen dulimaad nooca El Al 973 – iyadoo loo tix-raacayo lambarka wicitaanka caalamiga ah ee Baxrayn – waxayna sii mareen hawada Sacuudi Carabiya iyagoo ruqsad gaar ah ka haysta boqortooyada. Hogaamiyaasha Sacuudiga ayaa ilaa iyo hadda diidan baaqyada in dib u soo celiyaan xiriirka Israel.

Loolanka iyo cadaawadda gobolka ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Iiraan ayaa door ka ciyaaray in xiriradan diblomaasiyaddadeed dib loo soo celiyo iyo colaad tobanaan sano jirsatay oo ay uga sii dartay khilaafaadka diimeed, iyada oo Iran loo arka saldhiga awoodeed ee Shiicada Muslimka isla markaana Sacuudi Carabiya waxay isu aragtaa in ay tahay hoggaanka awoodda Muslimiinta Sunniga ah .

Heshiiska ay labada dal gaareen madaxda Falastiin layaab ayey ku noqotay. Afhayeenka madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas wuxuu heshiiskaasi ku tilmaamay “Khiyaano”.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Falastiin ayaa dib ugu yeertay safiirkeedii u joogay Baxreyn kadib markii heshiiska lagu dhawaaqay bishii hore, bayaan ka soo baxay hoggaanka Falastiin ay waxaa lagu sheegay “dhibaatada weyn ee ay u geysaneyso xuquuqda qaran ee lama taabtaanka ah ee shacabka Falastiin “.

Israa’iil iyo waddamada carabta ee ku yalla Bariga Dhexe iyo Waqoyiga Afrika waxaa ka dhaxeeyey colaad taariikhi ah wixi ka dambeeyey marki ay Israa’iil aasaasantay 1948-kii, waxaana muddo kaddib Israa’iil heshiis la galay Masar 1979-kii iyo Urdun oo 1994-kii, iyada oo labada dhinacba ay dalka Iiraan u arkaan mid khatar ku ah gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here