Madaxweynaha Somaliland Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyay

0
340

Madaxweynaha Somaliland Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/WM/222-564/102020 iyo SL/XM/XKQ/222/1-562/102020 uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey laba masuul.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Cumar Abokor Jaamac;

Maareeye Ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Dekedaha Somaliland

Og: Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda 17-ka Octoober aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Somaliland.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Dekedaha Somaliland u leedahay Dhismaha;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Mudane, Cali Siciid Saleebaan, laga bilaabo taariikhda 17-ka Octoober uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Dekedaha Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here