Azerbaijan iyo Armenia oo xabbad joojin ku heshiiyay

0
308

Azerbaijan iyo Armenia oo xabbad joojin ku heshiiyay

Dalalka Azerbaijan iy Armenia ayaa gaaray heshiis cusub oo xabbad joojin ah xilli dambe Sabtidii Xalay, taas oo ah isku daygii labaad ee tobaad gudihiisa ah oo la doonayay in lagu qaboojiyo, dagaalka sadaxda usbuuc ka socda gobolka Nagorno-Karabakh.

Xabbad joojinta binu’aadanimo ee labada dal ay ku heshiiyeen ayaa bilaabanaysa Maanta oo ah 18 October, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Armenia.

Ku dhawaaqista heshiiska ayaa imaanaya, kadib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Russia Sergey Lavrov uu khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa waddamada Azerbaijan iyo Armenia

Lavrov iyo madaxweynaha dalka Farce Emmanuel Macron ayaa dhinacyada dagaallamay ugu baaqay inay ilaaliyaan heshiiska xabbad joojinta ee ay gaareen.

Aroortii Sabtidii ayaa Azerbaijan iy Armenia uu midba kan kale ku eedeeyey inay kusoo qaaday weerarro cusub, taas oo dib kusii shidaysa rabshadaha ka aloosan gobolka ay ku muransanyihiin Nagorno-Karabakh oo dagaalka uu ka billowday todobaadyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here