FIFA Oo Garoon Heer Caalami U A Aqoonsatay Garoonka Stadium Muqdisho

0
536

FIFA Oo Garoon Heer Caalami U A Aqoonsatay Garoonka Stadium Muqdisho

Xiriirka kubada cagta Adduunka ee Magacooda loo saa gaabiyo  FIFA  ayaa si rasmi ah u aqoonsaday Garoonka Kubadda cagta ee Stadium Muqdisho, oo dhawaan la dayactiray, waxaan FIFA ay aqoonsatay in Garoonku uu yaahy Goraan caalami ah, taasi oo xulka Qaranka Soomaaliya ka caawin doonat in uu ku marti qaado waddamada uu la cayaarayo.

Garoonkaan ayaa dhawaan dayactir lagu sameeyay, waxaana horay uu ahaa fariisimo Ciidanka AMISOM, iyadoo dowladda hadda jirta ay dadaal u gashay sidii garoonka dib loogu soo celin lahaa gacanta Bulshada, waxaana hadda ka socda tar-tamo maxali ah oo lagu cayaarayo Garoonka Stadium Muqdisho.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in Garoonkaani uu u noqon doono Minan, marka ay la cayaarayan waddamada kale, waxaana horay Xulka qaarnka Soomaaliya uu Minan ahaan ugu  cayaari jiray dalka Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here