Wiilka Uu Dhalay Madaxwayne Trump Oo Laga Helay Coronavirus

0
381

Wiilka Uu Dhalay Madaxwayne Trump Oo Laga Helay Coronavirus

Wiil uu dhalay madaxweyne Trump oo 14 jir ah ayaa laga helay fayraska Korona balse sida ay sheegtay marwada koowaad ee Mareykanka, Melania Trump, wiilkaasi oo lagu magacaabo Barron ayaa cudurka haatan ka bogsaday.

Melina ayaa sheegtay in ay aad uga cabsatay xaaladda Barron kaddib markii laga helay cudurka Covid-19. Balse waxay intaa ku dartay in nasiib wanaag uu yahay wiil da’yar, sidaa awgeedna aysan ka muuqan astaamihii cudurkaasi.

Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa Melina ayuu horey cudurkan u haleelay balse haatan ka bogsaday.

Trump ayaa markii dambe sheegay in wiilkiisa Barron uu xanuunkani hayay muddo aad u yar isla markaana uu ka bogsaday maadaama buu yiri difaaciisa jirka uu aad u wanaagsan yahay.

Waxa uu intaasi ku daray in Barron uu tusaale fiican u yahay carruurta dalkaasi Mareykanka iyo sida ay gagsi ugu yeelan karaan cudurkaasi, sidaa awgeedna ay tahay in iskoollada dalka dib loo furo sida ugu dhakhsaha badan. Arrintaasi ayaa waxaa aad uga soo horjeesaday ururka midowga macallimiinta dalkaasi, kuwaa oo ku doodaya in ay suurtagal tahay in macallimiin badan ay qaadaan cudurkaasi.

Xog uruurin la sameeyay saddex usbuuc uun ka hor doorashada dalkaasi ayaa lagu ogaaday in Trump uu taageero ahaan ka hooseeyo ninka la tartamaya ee Joe Biden.

Melina Trump ayaa dhankeeda sheegtay in Barron laga helay cudurkaasi muddo haatan laga joogo laba usbuuc balse markii dambe uu ka bogsaday oo baaritaan la sameeyay lagu ogaaday in uusan haatan qabin cudurkaasi.

Sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins, cudurka Covid-19 ayaa guud ahaan dalkaasi Mareykanka waxa uu soo ritay 7.8 milyan oo qof halka ay u dhinteen qiyaastii 216,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here