Waddooyinka Muhiimka Ah Ee Muqdisho Oo Saaka Xiran Iyo Sababta Keentay

0
422

Waddooyinka Muhiimka Ah Ee Muqdisho Oo Saaka Xiran Iyo Sababta Keentay

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Soomaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah Wadooyinka ku yaalla Magaalada Muqdisho, iyagoona u diidaya inay isticmaalaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada ayaa lagu arkayaa Wadooyinka iyaga oo taagan, isla markaana wadada ka celinaya gaadiidka BL-ka ay saaran yihiin dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay, waxaana loo ogal yahay oo kaliya inay maraan gaadiidka ay saaran yihiin Mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa Askarta.

Ciidamada dowladda Isgoysyada ay xireen ayaa waxaa kamid ah, Isgoyska Tarabuunka, Taleex Banaadir, Wadada Maka Al-mukaraha iyo kuwo kale oo aad u muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadka.

Sababta loo xiray waddooyinka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa ay tahay, xili Maanta ay ku beegan tahay 14-ka Octoobe oo saddex sanno kasoo wareegatay markii Isgoyska Soobe uu ka dhacay Qarax musiibo ahaa oo ay ku dhinteen in ka badan 600 oo qof, halka boqolaal kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen.

Munaasabadda lagu xusanayo dadkii ku le’day Qaraxaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay ayaa Maanta la filayaa in lagu qabto Magaalada Muqdisho, isla markaana ay ka qeyb galaan Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here