NISA oo sheegtay in ay qabatay kimiko laga sameeyo waxyaalaha qarxa

0
397

NISA oo sheegtay in ay qabatay kimiko laga sameeyo waxyaalaha qarxa

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan Maaddada loo yaqaanno (Sulfuric Acid) taasi oo kamid ah waxyaabaha loo isticmaalo sameynta qaraxyada.

Hay’adda Nabad sugudda iyo Sirdoonka Waranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa qoraal ay soo dhigtay boggeeda Twitterka ayay ku sheegtay in gacanta ay ku dhigeen 79 ee madadaasi Sulfuricga ah iyo shaqsiyaadkii keenay dalka,kuwaasi oo ay sheegtay in ay u gudbinayeen maleeshiyada Alshabaab.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay baaritaan sharci ah ay wajihi doònaan iyadoo ay iska kaashanayaan hay’adaha kala shaqeeya la dagaalanka Argagixisada.

Warkan ayaa ku soo beegmaya kadib saddex sano qaraxii ka dhacay isgoyska Zobbe kaasoo ay boqolaal ruux ku dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here