Madaxwayne Trump Oo Dalbaday In Somaliya Laga Soo Saaro Ciidamada Maraykanka

0
814

Madaxwayne Trump Oo Dalbaday In Somaliya Laga Soo Saaro Ciidamada Maraykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya in dalka Soomaaliya uu ka saaro ciidamada Maraykanka ah ee ku sugan haatan.

Donald Trump ayaa u sheegay la taliyaashiisa sarein uu doonayo in ciidamada Maraykanka uu ka saaro si uu u fuliyo ballanqaadyadiisii uu hore ololaha doorashada ugu galay ee ahaa in dib uu ugu soo celinayo ciidamada Maraykanka dalkooda.

Wasaarada Gaashaandhigga Maraykanka ayaa diyaarinaysa qorshe hordhac ah sida lagu daabacay wargeyska Bloomberg waxaana arrinta loo xil saaray la taliyaha dhinaca ammaanka ee Madaxweynaha Maraykanka Robert O’Brien,xoghaya gaashaandhiga Mark Esper iyo Madaxa taliyaasha ciidamada Maraykanka Mark Milley.

Ciidamo Maraykan ah oo tiradoodu u dhexeyso 650 illaa 800 askari oo ay ku jiraan ciidamo gaar ah oo caawiya kuwa dowlada Soomaaliya ayaa ku sugan dalka Soomaaliya,iyagoo ugu yaraan dhammaantood la geeyay Soomaaliya xilligii uu talada hayay Madaxweyne Trump.

Warbixin isla Bloomberg ka diyaariyay ka xog gaarista askarta Mareykanka iyo taliska AFRICOM ee fuliya weerarada cirka ah waxa uu kasoo xigtay taliskaas in tallaabadaan ay fursad u tahay Al-Shabaab, maadaama ciidanka cadaadinaya la saarayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here