Aabe Iyo Wiilkiisa Oo Dhaawac Culus Isugu Geystay Dhuusamareeb

0
436

Aabe Iyo Wiilkiisa Oo Dhaawac Culus Isugu Geystay Dhuusamareeb

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Aabe iyo Wiilkiisa  uu dhalay oo xalay fal dhaawac ah isugu geystay Xaafad ka tirsan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Dadka deegaanka ayaa ku warramay in marka hore Aabaha iyo Wiilkiisa uu dhexmaray muran xoogan oo goor-dambe keenay in wiilka oo xoogaa Madaxa looga jiray uu Aabihiis Madax sare uga dhuftay dhagax weyn.

Sidoo kale Aabaha oo lagu magacaabo Saciid Dhago Madoow oo aad u careysan ayaa isna wiilkiisa oo lagu magacaabo Maxamed Saciid Dhago Madoow qeybaha sare ee jirka ugu dhuftay Toorey ama mindi.

Aabe Saciid iyo wiilkiisa ayaa falka ay isku geysteen waxaa kasoo gaaray dhaawac Culus, isla markaana waxaa labadooda la dhigay Isbitaal ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb oo lagu dabiibayo xaaladooda Caafimaad.

Shacabkka kunool Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa Maanta aad u hadal haaya dhacdadaan ay dhibaatada isugu geyteen Aabe iyo Wiilkii uu dhalay, waxaana qaar kamid ah dadka ay sheegeen inay uga naxeen falkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here