TURKEY : Dagaal dhiig badan ku daatay oo Magalaada Isparta Ku dhex maray Ciidamo Soomaali iyo Liibiyaan ah

0
822

TURKEY : Dagaal dhiig badan ku daatay oo Magalaada Isparta Ku dhex maray Ciidamo Soomaali iyo Liibiyaan ah

Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in dagaal mindiyo la isku adeegsaday uu ka dhacay xero milatari oo lagu tababaray Ciidamo isugu jira Soomaaliya, Liibiyaan iyo sidoo kale kuwa kasoo jeeda dalka Siiriya.

Warbaahinta Turkiga iyo kuwa laga leeyahay dalka Liibiya ayaa ku waramaya in dagaal mindiyo la isku adeegsaday uu dhax maray ciidamada Soomaaliya loo tababarayo iyo kuwa Liibiyaan ah.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka bilowday askari Soomaali ah oo mindi lagu dhaawacay, waxaana markii dambe halkaasi ka dhacay dagaal gacmaha iskula tageen mindiyana iskula dhaceen labada ciidan ee tababarka u socdeen.

In ka badan 20-askari oo labada dhinac kasoo kala jeeda ayaa Warbaahinta sheegeen in ay ku dhinteen dagaalka ka dhacay gudaha xerada milatari oo kutaala magaalada Isparta, waxaana dhaawacyada qaar kamih askarta dhaawaca ah la geeyay xarumo caafimaad.

Dowladaha Soomaaliya iyo Liibiya ayaan wali ka hadlin dagaalkan labada ciidan ee tababarka u socday dhax maray, sidoo kale dowlada Turkiga ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin dhacdadan dhiiga badan ku daatay.

Turkiga ayaa tababar siiya ciidamo kasoo kala jeeda Wadamada Soomaaliya, Siiriya iyo Liibiya, waxaana ciidamadan la sheegaa in Turkiga si gaar ah gacanta ugu hayaan iyagoona mararka qaar u adeegsada danahooda gaarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here