Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Hortegaya Golaha Shacabka

0
405

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Hortegaya Golaha Shacabka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta oo tallaado ah lagu wadaa inuu hortego Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka, iyagoona leh kulan xasaasi ah.

Ajendaha kulanka Golaha ayaa waxaa uu yahay khudbad jeedinta Madaxweyne Farmaajo iyo u codeynta kalsoonida Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo dhawaan la magacaabay.

Khudbada Madaxweynaha uu jeedinayo ayaa waxaa uu sida qorshahu yahay uga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ay yihiin xaaladda dalka iyo heshiiskii dhawaan Madaxda dowladda, maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay ka gaareen Doorashada dalka ee 2020/2021.

Sidoo kaleMadaxweyne Farmaajo ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka dalban doona inay codka kalsoonida ah siiyaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, si uu u gubto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday.

Maxamed Rooble ayaa waxaa la filayaa in markii codka kalsoonida ah lasiiyo uu si deg deg ah kusoo magacaabo Golihiisa Wasiirada Cusub oo ay horyaalan shaqooyin farabadan, wuxuuna maalmihii lasoo dhaafay waday kulamo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here