Dowladda Kenya Oo Baareysa $71 Milyan Oo La Musuq-Maasuqay

0
307

Dowladda Kenya Oo Baareysa $71 Milyan Oo La Musuq-Maasuqay

Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Noordin Haji, ayaa amar ku bixiyay in la baaro $ 71 milyan oo ah “wax iibsasho aan caadi ahayn” oo ay la xiriirto coronavirus oo ay sameysay Hay’adda Adeegga Caafimaadka ee Kenya (KEMSA).

Shaqaalaha isbitaallada dhibaatada ugu badan la tacaalaya ee Kenya ayaa sameeyay shaqo joojin si ay u muujiyaan waxa ay ku sheegeen dhaqamada fadeexada ah ee hay’adda, oo dawooyinka iyo qalabka caafimaad u iibisa isbitaallada guud ee dalka.

Saddax toddobaad ka hor, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka codsaday gudiga qaran ee Anshaxa iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa (EACC) in ay baaraan qandaraasyada la siiyay shaqsiyaad saamayn leh, oo ay ku jiraan siyaasiyiin, iyadoo aan la ixtiraamin shuruucda wax soo iibsiga dadweynaha.

Guddiga Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa baaritaan uu sameeyey shaqada kaga hakiyey madaxa hay’adda KEMSA Jonah Manjari iyo agaasimaha waaxda sahayda Charles Juma.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan loogu baaqay in ay wax ka barato qaabka ay Soomaaliya u Ciqaabto dadka Musuq-maasuqa lacagaha loogu talagay in lagula tacaalo caabuqa Covid19, waxaana usoo jeediyay taladaas mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya iyo Siyaasiyiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here