Ra’iisul Wasaaraha Cusub Oo Codsi U Diray Xildhibaanada Golaha Shacabka

0
328

Ra’iisul Wasaaraha Cusub Oo Codsi U Diray Xildhibaanada Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horreeyay xalay ka hadlay xilka Ra’iisul Wasaaraha ee laba maalin kahor uu u Magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Roobe ayaa marka hore waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee dalka Soomaaliya ee loo magacaabay, uuna aqbalay xilkaas.

“Waxaa farxad ii ah in aan idinla wadaago, in aan si sharaf iyo dareen masuuliyadeed leh aan u aqbalay kalsoonida uu isiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iiguna magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri RW Rooble.

Sidoo kale Mudane Maxamecd Rooble ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka Codsaday inay siidaan codka kalsoonida, si uu u guto waajibaadkiisa shaqo, wuxuuna ka rajeeyay Golaha Shacabka in Codka kalsoonida ay siin doonaan.

“Sidaas daraadeed, waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga” ayuu kusoo gaba-gabeeyay hadalkiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Raiisul Wasaare Rooble in uu deg-deg ku soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka horseedda in ay ka dhaqan geilso doorasho , dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaaray amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamiro dhalinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here