Ingiriiska Oo Ka Baaraan Degaya Qorshe Ka Dhan Ah Coronavirus

0
345

Ingiriiska Oo Ka Baaraan Degaya Qorshe Ka Dhan Ah Coronavirus

Ra’iisul Wasaaraha UK, Boris Johnson ayaa Maanta ka fiirsanaya inuu adkeeyo xayiraadaha Covid-19 ee Ingiriiska, kadib markii uu sheegay in UK uu ku soo noqonayo fayraska oo dalku gelayo wejigii labaad.

Tan iyo markii fayraska laga helay UK horraantii sanadkan waxaa u dhintay 41.732 Guud ahaan caalamka dadka u dhintay fayraska Corona waxay ku dhow yihiin Hal milyan oo qof, iyadoo ay ka bogsadeen 20 milyan oo qof.

COVID-19 waa xannuun cusub oo ku dhaca sambabada iyo hab-neefsiga qof – taasi oo uu sababo fayras lagu magacaabo Corona.

Yurub waxay ka mid tahay meelaha ugu xun aduunka ee uu cudurku saameeyay waxaana hadda muuqanaya kiisas cusub oo soo kordhaya Badanaa waqtiyada qabowga oo iminka la galayo waxaa guud ahaan Yurub ka dilaaca hargab aad u daran kaas oo caruurta iyo waayeelka ay halis u galaan.

Karoonaha oo ay hargabka wax badan isaga egyihiin ayaa laga cabsanayaa in uu aad u kordho waqtigan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here