Madaxweyne Farmaajo Oo Daahfuray Manhajka Waxbarashada Qaranka Ee Dugsiga Sare

0
354

Madaxweyne Farmaajo Oo Daahfuray Manhajka Waxbarashada Qaranka Ee Dugsiga Sare

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Maanta Daahfuray Manhajka Waxbarashada Qaranka ee Dugsiga Sare.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Wabarashada ayaa goob joog ka ahaa daahfurka, waxaana manhajkaan soo diyasriyay wasaaradda waxbarashada Xukuumadda federaalkaSoomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Wasaradda Waxbarashada ku ammaanay dadaalka iyo sida ay usoo saareen Manhaj Mideysan oo lagu qaadan doono dugsiyada dalka.

Siihayaha Wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo ka qayb galay daahfurka Manhajka Waxbarashada Qaranka ee Dugsiga Sare ayaa sheegay in wasaarddu ay hirgalisay manhaj waddani ah oo xanbaarsan sida uu sheegay aragti dhaqaale iyo mid mustaqbal oo ardayda Soomaaliyeed wax weyn ka baddeli doona.

Goodax barre ayaa war uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in wasaaradda waxbarashadu ay ka go’an taahy horumarinta waxbarashada dalka.

“Waxaa sharaf iyo farxad weyn inoo ah in Madaxweynaha JFS Mudane, Mohamed Abdullahi Farmaajo uu maanta si rasmi ah noogu daahfuray Manhajka Waxbarashada Qaranka ee Dugsiga Sare. Waxaan hirgelinnay manhaj waddani ah, aragti iyo dhaqaale Soomaaliyeed la geliyay oo ka turjumaysa baahiyaha dhabta ah ee Soomaaliyada maanta iyo tan mustaqbalka” ayuu yiri Siihayaha Wasiirka Waxbaarshada Dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here