Ilhaan Cumar Oo Markale Ku Guuleysatay Doorasho Ka Dhacday Mareykanka

0
415

Ilhaan Cumar Oo Markale Ku Guuleysatay Doorasho Ka Dhacday Mareykanka

Ilhan Cumar, oo kasoo jeedda jaaliyadda Soomaalida ee dalka Mareykanka ayaa ku guuleysatay doorasho ay xibigeeda dhexdiisa ka gashay, taasoo loogu tartamayay matalaadda kursiga xildhibaannimada Aqalka Wakiillada ee degmo ka mid ah gobolka Minnesota.

Waxay loollan adag kula jirtay siyaasiga lagu magacaabo Antone Melton-Meaux iyo saddex musharrax oo kale, kuwaasoo dhammaantood u hanqal taagayay inay iyada meesha ka saaraan.

Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay ayey Ilhaan la kulmeysay cadaadis xooggan iyo dhaleeceyn inteeda badan loogu jeedinayay baraha bulshada.

Laakiin taageerayaasha xisbiga ayaa mar kale Ilhaan u xushay inay sii difaacato kursigeeda degmada 5-aad ee Minnesota, marka la gaadho doorashada Mareykanka ka dhaceysa bisha November. Ilhaan ayaa guusheeda kaddib waxa ay boggeeda Twitterka kusoo qortay:

“Gudaha Minnesota, mar kasta waxaan ognahay in dadka is abaabulay ay ka adkaanayaan lacagta la abaabulay. dhaqdhaqaaqeennu guul kaliya ma uusan soo hoyinin. Waxaan kasbannay maamul isbaddal keenaya. Iyadoo ay jireen dadaallo ay dad gobolka ka baxsan ugu jireen inay guul darro nagu dhacdo, mar kale ayaan taariikh dhignay. Iyadoo ay jireen weerarro nagu socday, taageeradeennu wey sii korodhay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here