Madaxweyne Deni Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Jabuuti Gaaray

0
336

Madaxweyne Deni Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Jabuuti Gaaray

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Caasimadda dalka Jabuuti ee Djabuuti.

Waxaana Madaxweynaha iyo wafdigiisa soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dolwadda Jabuuti oo uu ugu horreeyo Wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti.

Deni ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaasi Jabuuti waxaa uu la kulmi doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan Daowladda Jabuuti, waxaana la filayaa in uu kala hadlo arrimo ay la mid yihiin sidii maamulka Puntland looga gacan siin lahaa mashaariicyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

1- In Jabuuti ay maalmo kooban ay Puntland ku caawiso, xafaarad qalabka Dekedaha ciida looga saaro, oo wax looga qabanayo dekeda Boosaso (Ganacsato ayaa gacan ka geysanaysa).

2- In Shirkado Ajnabi ah oo doonaya in saldhig ciidan ay ka sameystaan deegaanada gobalka Barri heshiis lala galo, waana is aragii labaad ee shirkadahan oo ay saameyn ku leeyihiin dawladdaha reer galbeedka mid ka mid ah, (Madaxtooyadu, waxay kaloo doonaysaa in ciidanka Mareykanku taageeraan ee kusugan PL uu noqdo mid ay maamusho).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here