Dowlad Ku Dhawaaqday Inay Soo Saartay Tallaalka Cudurka COVID-19

0
383

Dowlad Ku Dhawaaqday Inay Soo Saartay Tallaalka Cudurka COVID-19

Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in tallaal lagu sameeyay gudaha dalkiisa oo loogu talagalay Covid-19, la ansixiyay hadda. Tallaalkan ayaa lagu sameeyay tijaabo qaadatay in ka yar laba bilood oo lagu sameeyay bini-aadamka.

Madaxweyne Putin wuxuu sheegay in tallaalkan la mariyay dhammaan arrimihii loo baahnaa ee tijaabada ah, isagoo tilmaamay in gabadhiisa la siiyayba. Saraakiisha hoggaamisa dalkaas waxay sheegayaan in tallaal guud oo dalka oo dhan ay billaabi doonaan bisha October.

Khubarada ayaa walaal ka muujiyay sida degdegga ah ee Ruushka uu shaqadan u qabtay, waxayna sheegeen in cilmi-baarayaasha Ruushka ay suuragal tahay in ay si boobsiis ah u sameeyeen tallaalka.

Inkastoo ay jirto cabsi la xiriirta badqabka, haddana Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa isbuucii la soo dhaafay Ruushka ugu baaqday in uu raaco tilmaamaha caalamiga ah ee soo saaridda tallaalka ka hortagga fayraska Covid-19. Maanta, waxay WHO sheegtay in wadahadal ay kula jirtay Ruushka oo la xiriira dib u eegista tallaalka.

Tallaalka uu Ruushka soo saaray ka mid ma ahan lixda tallaal ee WHO ay ansixisay si ay wejiga seddaxaad ee tijaabada u gaaraan, taas oo qeyb ka ah tijaabo guud oo bini-aadamka lagu sameynayo. In ka badan 100 nooc oo tallaal oo kala duwan ayaa daafaha caalamka laga soo saaray, iyadoo qaar ka mid ah lagu sameeyay tijaabada aadanaha oo hab caafimaad loo siiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here