Ciidamo Hubeysan Oo La Geynayo Gaalkacyo Iyo Ujeedkooda

0
393

Ciidamo Hubeysan Oo La Geynayo Gaalkacyo Iyo Ujeedkooda

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Daraawiishta dowlad Goboleedka Puntland ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kadib markii halkaas ay ka dhaceen falal amni darro.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa la sheegay in uu amray in ciidamadaas la geeyo Gaalkacyo, si uga qeyb qaatan sugida amniga Magaalada, kuwaasi oo lagu xoojiyo Ciidanka kale ee halkaas ku sugan.

Ciidamada la geeynayo Gaalkacyo ayaa la sheegay inay yihiin kuwo aad u hubeysan, isla markaana la qorsheysanayo in xaafadaha kala duwan ee Magaalada iyo Degmooyinka Gobolka Mudug ka sameeyaan howlgalo Culus, si loo soo celiyo Amniga magaalada.

Madaxweyne Deni ayaa shalay kulan la qaatay Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa la wadaagay qorshaha Maamulkiisa ee ku aadan Gobolka, dhinacyada amniga, horumarka iyo dhismaha ciidamada.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa maalin kahor dagaal xoogan uu ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland iyo rag hubeysan oo ka ganacsanaayay maandooriyaha Khamriga, waxaana dagaalkaas ka dhashay Khasaaro kala duwan, iyadoo lagu dilay Taliyihii Ciidanka Madaxtooyadda Puntland.

Waxaa kaloo Gaalkacyo mararka qaarkood ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan oo geystaan rag hubeysan, waxaana falalka halkaas ka dhaca inta badan sheegta dagaalamayaasha Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here