Wasiiro Tira badab oo Is Casilay Ka Dib Qaraxii Beyruut

0
349

Wasiiro Tira badab oo Is Casilay Ka Dib Qaraxii Beyruut

Waxaa soo badanaya mas’uuliyiinta dowladda Lubnaan ee is casilay tan iyo markii Qaraxii xoogganaa uu ka dhacay Caasimadda dalkaas ee Beyruut.

Mas’uuliyiin ay u badan yihiin wasiiro ayaa shaqadoodii ka tagay tan iyo markii Beyruut ay qaraxyadu gil-gileen, Damianos Kattar oo ahaa wasiirka Deegaanka ayaa isna iska casilay jagadii uu hayay, sidoo kale waxaa xilka ka tagay Wasiirka warfaafinta ee Lubnaan Manal Abdel Samad oo sheegay in Ra’iisul wasaraha dalkaasi uu ku guuldaraystay himilooyinka shacabka reer Lubnan.

Raiisul Wasaare Xasan Diab ayaa waxaa hareeyay eedeymo ay u jeedinayaan qaar ka mid ah golahiisa wasiirada, waxaa tan iyo markii qaeaxu dhacay shaqadooda ka tagay mas’uuliyiin badan.

Qaraxii ka dhacay beyruut ayaa shacabka dalka Lubnaan waxaa uu ku yeeshay saameyn aad u daran, iyadoo qaraxu ka dhacay Dekadda weyn ee caasimadda oo ahayd meel ay si weyn ugu xirnayeen Nolosha shacab farabadan oo dalkaas u dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here