Maraykanka Oo Qaaday Talaabo Si Wayn Uga Cadhaysiisay Shiinaha, Maxay Tahay Talaabadaasi

0
335

Maraykanka Oo Qaaday Talaabo Si Wayn Uga Cadhaysiisay Shiinaha, Maxay Tahay Talaabadaasi

Wasiir ka tirsan xukuumadda madaxweyne Trump ayaa maanta oo Isniin ah la kulmay madaxweynaha Taiwan – tallaabadaas oo ka careysiisay Shiinaha, siina xoojisay xiisadda u dhaxeysa Washington iyo Beijing.

Alex Azar, oo ah Wasiirka Caafimaadka iyo bani’aadamnimada ayaa noqday siyaasigii ugu heer sarreeyay ee Mareykan ah oo muddo tobannaan sano gudahood ah booqday Jasiiradda Taiwan.

Taiwan ayaa ah mid ay dunida kale u aragto dal madax-bannaan, laakiin Shiinaha ayaa u aaminsan inay tahay gobol uu isagu leeyahay.

Dowladda Shiinaha ayaa Mareykanka ugu baaqday inay xushmeyso waxa ay ugu yeedhtay “dalweynaha Shiinaha” iyo nidaamyadiisa.

“Shiinaha wuxuu si adag uga soo horjeedaa xiriir kasta oo rasmi ah oo dhex mara Mareykanka iyo Taiwan,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha. Wuxuu hadalkaas jeediyay markii isbuucii lasoo dhaafay la shaaciyay booqashadan.

“Waxaan ku boorrineynaa Mareykanka… inuusan wax calaamado khaldan ah u dirin ‘Arrimaha qornimada Taiwan’ si looga hortago inuusan aad usii xumaanin heer waxyeello ahna gaadhin xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha.
Mr Azar, oo Jasiiradda tagay hal maalin ka hor inta uusan la kulmin madaxweyne Tsai Ing-wen, ayaa sheegay in “booqashadiisa ay khuseyso saddex ajande”.

“Ajandaha koowaad waa in Taiwan loo aqoonsado in ay tahay bulsho dimuqraaddi ah oo si fiican ugu guuleystay dagaalka ka dhanka ah Covid-19,” ayuu yidhi.

“Kan labaad waa in dib loo xaqiijiyo in Taiwan ay tahay saaxiib muddo dheer ay xulafo ahaayeen Mareykanka.

“Kan saddexaadna waa in hoosta laga xarriiqo in Taiwan ay mudan tahay in loo aqoonsado hoggaamiyaha caafimaadka adduunka, maadaama ay si muuqata wax ugu soo kordhisay caafimaadka caalamiga ah.”

Inkastoo Mareykanku uusan xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah la wadaagin Taiwan, haddana sharciga xiriirrda ee Taiwan, oo la sameeyay sanadkii 1979-kii ayaa oggolaanaya in Mareykanku uu hub ka iibiyo Jasiiradddan, wuxuuna fasaxayaa inay la sameysato “xiriir dhow”.
Taiwan waxay xaqiijisay wax ka yar 480 kiis oo Covid-19 ah iyo toddoba dhimasho oo kaliya.

Waxay duullimaadyadii magaalada Wuhan iska hakisay 23-kii bishii January – ka hor inta aysan sidaas sameynin inta badan dalalka kale ee caalamka – waxayna karantiileysay dadka ka imaanayay waddamada kale.

Sidoo kale waxay Taiwan awood u lahayd inay dabagal ku samyso dadka cudurka qaba.

Taiwan xubin kama aha Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) sababtoo ah ma aha dal ay aqoonsan yihiin Qaramada Midoobay iyo Shiinahaba.

31-kii bishii December, dowladda Taiwan ayaa ka codsatay hay’adda WHO inay xog dheeraad ah ka siiso fayraska, laakiin waxay sheegtay inaysan wax jawaab ah helin.

Arrintaas waxay ka cadheysiisay madaxweyne Trump, oo bishii April Twitter-kiisa ku dhaliilay hay’adda WHO.

Mas’uuliyiinta WHO ayaa sheegay in farriinta uga timid Taiwan “aysan muujinin cudur ay bani’aadanka isku gudbin karaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here