Akhriso: Sharciga Galmada Ee Horyaallada Golaha Shacabka, Beesha Caalamkana Ka Qeylisay

0
416

Akhriso: Sharciga Galmada Ee Horyaallada Golaha Shacabka, Beesha Caalamkana Ka Qeylisay

Waxaa haatan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah horyaalla sharciga dambiyada galmada la xidhiidha. Ujeedka sharciga ayaa ah in dhibaneyaasha ay helaan xaq soor u qalma dhibka loo geystay iyo sharci gaar ah oo lagula dagaalayo kufsiga iyo dambiyada kale ee u muuqda galmada.

Sharcigan, waxaa markii ugu horeysay golahan la keenay 2017-kii, kadib isbadallo badan ayaa galay iyada oo la soo badalay sharcigii ay golaha wasiirrada ee xumadda federaalka ah ansixiyeen kaas oo u dhowaa midka ay reer galbeedku doonayeen. Midkan cusub ee hadda horyaalla golaha waxaa soo diyaariyey dad ay ku jiraan culimada waxaa qodobadiisa inta badan loo fiiriyey shareecada islaamka.

Qodobka ay beesha caalamka ka qeylisay waa midka 26-aad ee xeerka oo dhigaya: Guurka Da’yarta, oo sheegaya in heshiiska guurka qofka yar ay banneysay shareecada Islaamka balse lala sugo aqal galka ilaa inta qofka yari ka yeelanayo awood uu uga qeyb galo galmada.

Xeerkan waxaa uu ku taliyey in qaranka Soomaaliyeed uu la yimaado qorshe ku saabsan kufsiga baahay, waxaa kale oo warbaahinta laga dalbaday iney dadka wacyigeliyaan. Haddaba qoraaga Cabdicasiis Gurbiye ayaa soo akhriyey xeerkan, isla markaana soo koobaya qodobada ugu muhiimsan ee lagu sheegay .

Sharcigan ayaa loogu talogalay in lagu dhaqo galmo ama falka jnisiga ah ee dhexmara labo qofood ha ahaadno mid qasab ama mid khayaari ah.

Ogolaasho fal galmo waxaa leh qof maskax ahaan fahmi kara, isla markaana heysta xaalad awood u siineysa inuu iska diidi karoo. Waxaa la sheegayaa in dadka dhimirka loogu jiro iyo kuwa aan qaangaarka aheyn oo nuxurka galmada aan garaneyn aaney laheyn awood ogolaasho.

Qofka ku jira xaaladaha soo socda ma yeelan karo oggolaanshiyo galmo oo ikhtiyaar ah, waxaa ka mid ah:

In uu san isaga caabbin karin awood jireed iyo xeeladba falka galmada ee qofka kale ku sameynayo.
In ay jirto xaalad baqdin gelin ah, oo laga dhabeyn karo.
In qofka u nugul ee galmada lagu sameeyey dhimirkiisu joogin.
Xad-gudub Galmo: Waa xad-gudub qaab galmo oo si kas ah qof qaangaar ah qof kale “yar ama weyn” ugu qabto, ka taabto ama taabsiiyo xubinta taranka ama qeybaha kiciya shucuurta jinsi.

Shareecaha Islaamka, waxaa ku cad in seygu u galmoon karin xaaskiisa xaalad kasta oo caafimaad ah halis gelin karta iyo marka ay caadada qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here