Ra’iisul wasaaraha Faransiiska Macron oo gaaray magaalada Beirut

0
336

Ra’iisul wasaaraha Faransiiska Macron oo gaaray magaalada Beirut

Ra’iisul wasaaraha Faransiiska Emmanuel Macron booqasho ku tegey magaalada Beirut caasimada dalka Lubnaan kadib markii uu qarax qasaare badan geystey uu ka dhacay magaalada Beirut.

Emmanuel Macron ayaa sheegay in dowladiisu aysan wax shuruud ah ku xireyn kaalmaynta shacabka Lubnaan balse loo baahan yahay in jawaab deg-deg ah oo ku aadan xal u helidda qalalaasaha siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee saameeyay Lubnaan.

Ra’iisul Wasaare Macron wuxuu sidoo kale ka sheegay in haddii aan wax isbaddal ah looga dhawaaqin Lubnaan in dalkaas uu dhibaatad kusii jiri doono.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Lubnaan wuxuu sheegay in guddiga baarayaa qaraxii ka dhacay Beyruut la siiyay muddo afar maalmood ah si loo ogaado cidda ka dambeysa masiibada.

Wasiirka Caafimaadka dalka Lubnaan ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintey qaraxa ay gaareyso 157 ruux halka shan kun ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here