Facebook iyo Twitter oo masaxay macluumaad “khaldan” oo uu Trump daabacay

0
350

Facebook iyo Twitter oo masaxay macluumaad “khaldan” oo uu Trump daabacay

Shirkadaha baraha bulshada ee Facebook iyo Twitter ayaa tallaaba ka qaaday madaxweynaha Mareykanka kadib markii uu baraha bulshada soo dhigay muuqaal la xiriira wareysi uu siiyay telefishenka Fox News oo uu ku sheegay “in caruurta uusan karin feyraska corona”.
Facebook ayaa tirtay qeyb kamid ah muuqaalka wareysiga, waxayna arrintaas ku sababeysay marin habaabin khatar oo dhanka cudurka Covid19.
Tallaabo taas lamid ah ayaa waxaa qaaday Twitter oo sheegtay inay xanibtay dhowr akoon oo lala xiriirinayo Trump, xanibadaasina ay sii jiri doonta ilaa iyo inta ay ka saarayaan macluumaadka “khaldan” ee ay soo geliyeen.
Hey’adaha caafimmaadka dadweynaha ee dalka Mareykanka ayaa horay u sheegay in aysan jirin caddeymo muujinaya in caruurta ay iska difaaci karaan cudurka safmarka ah.
Maxay Facebook iyo Twitter arrintan u cuskadeen?
Afhayeen u hadlay shirkadda Facebook ayaa sheegay in muuqaalka “ay ku jiraan macluumaad khaldan oo dhigaya in qaar kamid ah dadka uusan ku dhici karin cudurka taas oo aan u aragno inay tahay xadgudub ka dhan ah siyaasadaha inoo degsan ee la xiriira marin habaabinta khaldan”.
Waa markii ugu horeysay oo shirkadaha ugu waaweyn dhanka baraha bulshada ay hawada ka saaraan xog uu soo dhigay baraha bulshada ee madaxweynaha.
Twitter ayaa sheegtay inay xanibaad kusoo rogtay akoonkan ciwaankiisu yahay @TeamTrump. Waxay sababta ku sheegeen muuqaalka wareysiga “xogta khaldan” oo ay soo dhigeen, kadibna madaxweynaha uu sii baahiyay oo uu lasii wadaagay dadka kale.
Afhayeen u hadlay Twitter waxaa uu sheegay in xogtaas lasoo dhigay akoonkaas gacan saarka la leh madaxweyne Trump uu ku xadgudbay shuruucda u deegsan ee faafinta xogta khaldan, waxaana uu afhayeenka yiri ” akoonkaas waa in laga saaraa xogtaas haddii uu doonayo in markale uu wax daabaco”.
Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii shirkadda Twiter ay xanibtay akoon u leeyahay wiil uu dhalay madaxweyne Trump kadib markii uu bartiisa Twitter-ka ku baahiyay muuqaal loo arkay in uu yahay marin habaabin la xiriirta feyraska corona.

Bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here