Muuse Biixi Oo Digniin U Diray Dadka Muqaadaraadka Soo Galiya Soomaaliland

0
385

Muuse Biixi Oo Digniin U Diray Dadka Muqaadaraadka Soo Galiya Soomaaliland

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo salaadda Ciidda kula Tukaday Masaajid ku yaalla Magaalada Hargeysa ee Xrunta u maamulkaas ay aka hadlay arrimo dhowr ah.

Madaxweynaha ayaa bulshada Soomaaliland ugu hambalyeeyay maalinta koowaad ee Ciiddul Adxada, waxaana uu caafimaad iyo barwaaqo u rajeeayay dhammaan shacbiga Soomaliland.

Muuse Biixi ayaa dhanka kale digniin u diray dad uu sheegay in ay wadaan falal ammaanka Lid ku ah iyo kuwa ku howlan iska horkeenka bulshada.

Waxaa uu ka digay in shacabka iyo siyaasiyiinta la iska horkeeno, waxaana shacabka uu si gaar ah ugu boorriayay in ay ka qayb qaataan nabad galyada guud ee degaanada maamulka Soomaaliland.

Waxaa uu sheegay in degaanada maamulkaas ay kusoo badanayaan dhawaanahaan isticmaalka Muqaadaradka, sida Khamriga iyo xashiishka oo uu sheegay in magaalooyinka wa weyn ee saameyn ay ku yeesheen, waxaa ciidanka Booliska iyo dhammaan shacabka uu ugu baaqay in ay ka hortagaan waxyaabaha dadka iyo degaanka dhibaatayn kara ee uu ugu horreeyo Maandooriyaha.

Hadalka Muuse Biixi ayaa imaanaya iyadoo maanta degaanada maamulkaasi si weyn looga dabbaal dagayo maalinta koowaad ee Ciidul Adxada, waxaana madaxweyne uu markale Hambalyo hawada u mariyay shacabka Soomaliland, iyadoo ay xusid mudan tahay in shalay Hambalyo shacabka u diray maadxweyne Muuse Biixi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here