Dowlada Soomaaliya oo shaacisay xilliga ay furmayaan duulimaadyada dibadda

0
371

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay xilliga ay furmayaan duulimaadyada dibadda

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dhawaan dib u fureyso duulimaadyada Caalamiga ah oo markii hore loo joojiyay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.

Wasiirka Gaadiidka dalka Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa sheegay in 3da bisha August dib loo furi doono duulimaadyadda caalamiga ah kadib markii hoos u dhacay cudurka Coronavirus.

Dowlada Federalka ayaa sheegtay in dhaqaalaha dalka Soomaaliya uu hoos u dhacay tan iyo markii ay joojiyeen duulmaadyada Caalamiga,hayeeshee markii ay dib u furaan ay diyaariyeen goobo looga baaro dadka garoonka kasoo dego COVID-19.

Duulimaadyada caalamiga ah ayaa la joojiyay 19-kii Maarso dhammaan duullimaadyadii caalamiga ahaa ee tagi jiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taasoo iyana qeyb ka ahayd dadaallada lagu xakameysano fayraska sababay cudurka safmarka ah.

Dowlada Federalka ayaa hore u furtay duulimaadyada gudaha iyadoo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ay maalin walba ka duulaan kana soo degaan rakaab ka imanaya gobolada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here