Mareykanka Oo Qirtay In Dad Shacab Ah Uu Ku Dilay Duqeyn Ka Dhacday Somalia

0
364

Mareykanka Oo Qirtay In Dad Shacab Ah Uu Ku Dilay Duqeyn Ka Dhacday Somalia

Taliska ciidamada Maraykanka ee ka hawlgala qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa soo saaray warbixin kale oo ku saabsan khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaara duqaymaha iyo baaritaankii uu talisku ku sameeyey.

AFIROCM waxay qiratay inay soo gaareen eedo la xiriira dad rayid ah oo ku dhintay duqayn uu Maraykanku ka gaystay nawaaxiga Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Hoose 2-dii Febraayo 2020-ka.

Maraykanku waxay sheegeen inay xaqiijiyeen dhimashada qof rayid ah oo ku dhintay duqayntaas, isla markaana duqeynta dadkaas ay uga beegsadeen si Cad.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeymo kala duwan ka fuliyay deegaanada ay Gobolada dalka kaga sugan yihiin Al-shabaab, waxaana duqeymahaas qaarkood lagu dilay xubno ka tirsan Shabaab, halka kuwo kalena lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galasan.

Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa inta badan sheegaya xiliyada ay duqeymaha ka fuliyaan Gobolada dalka in wax Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uusan kasoo gaarin dadka shacabka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here