Madaxwayne Deni Oo Amray Il La Toogto Cidii Ka Soo Horjeesatada Puntland

0
358

Madaxwayne Deni Oo Amray Il La Toogto Cidii Ka Soo Horjeesatada Puntland

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in deegaannada Puntland laga dhex sameeyo khalalaaso iyo waxyaabo keeni karo Amni darro.

Waxaa uu sheegay in cid allaala cidii diidan nabada in tallaabo ay ka qaadi doonaan,waxaana uu amray Ciidamada dowlad Goboleedka Puntland inay toogtaan cid kasta oo kasoo horjeeda Maamulka Puntland,isla markaana aysan maxkamad la sugin.

Madaxweyne Deni oo sii hadlayay ayaa sheegay in cadowga Puntland uu weji farabadan leeyahay,hayeeshee uu rajeynayo in cid kasta oo hbeysan oo ku jirta fal dambiyeed in la toogan doono.

Hadalka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli mararka qaar deegaannada Maamulkaas ay ka dhacaan dagaal beeleedyo iyo weeraro iyo dilal ay mas’uuliyadooda sheegtaan Al-Shabaab & Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here