Bisad Ay Dawladda Turkigu U Fasaxday In Ay Ku Noolaato Aaya Soofiya, Intii Masaajidka Laga Dhigay Kaddib

0
405

Bisad Ay Dawladda Turkigu U Fasaxday In Ay Ku Noolaato Aaya Soofiya, Intii Masaajidka Laga Dhigay Kaddib

Kumannaan qof ayaa sawirkeeda kala socday shabakadda xidhiidhka bulshada ee Instagram, madaxweyne hore oo Maraykan ahina waxa uu qarsan kari waayey xiisaha iyo jacaylka uu u qabo bisaddan oo adduunka intiisa badan laga bartay. Waxa ay ku sigatay in ay noqoto calaamadda lagu xasuusto matxafkii Aaya Soofiya. Bisaddan midabka sibidhiga ah iyo indhaha cagaaran leh ayaa noqotay astaan dadka dalxiiska ku taga Aaya Soofiya ay sheekooyinkooda ku daraan, sawirro kala duwan oo ay kula jiraanna baahiyaan. Dadkaas waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama oo sannadkii 2009 laga duubay muuqaal uu bisaddan dhabarka u salaaxayo. Magaca Bisaddan waxaa kor u sii qaaday bogag ay masuuliyiintii matxafku uga sameeyeen barta xidhiidhka bulshada ee Istegram ka. bartan oo ay la socdeen dad ka badan 50 oo qof ayaa lagu faafiyo sawirrada xaaladaha kala duwan ee bisaddan iyo dadka dalxiiseyaasha ah ee sawirrada la geli jiray.

Haddaba, markii dhowaan matxafkan masaajidka laga dhigay ayaa ay mar keliya cirka isku shareereen su’aalaha lagu baahinayo baraha bulshada ee ay dad aad u tiro badani iska weydiinayaan waxa uu ku dambayn doono masiirka bisaddan oo lagu magacaabi ‘Jalli’ kuwo badan ayaa markiiba sheegay in masaajidnimada Aaya Soofiya ay sababi doonto in bisaddan laga mamnuuco gelitaanka dhismaha.

Haddaba masuuliyiinta Aaya Soofiya oo dareenkan ka jawaabayey ayaa shaaca ka qaaday in bisadda Jeli ay ku sii negaan doonto masaajidka. Ibraahiim Qaalin, afhayeenka rasmiga ah ee madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in bisadda Jeli iyo bisadaha kale ee masaajidkan iyo agagaarkiisa ku badani ay ku sii sugnaan doonaan goobaha ay noloshooda awalba ugu wateen. Afhayeenka oo hadalkiisa sii watay ayaa yidhi, “Bisaddaasi sumcad ayaa ay dunida ku yeelatay, waxaa iyaguna jira bisado kale oo iyagu aan sidaas magac u lahayn. Bisaddaasi halkeedaas ayaa ay joogi doontaa, bisadaha oo dhanna masaajidda waa laga soo dhoweynayaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here