Baarlamaanka Turkiga Oo Ansixiyay Sharci Si Adag U Xakamaynaya Baraha Bulshada

0
392

Baarlamaanka Turkiga Oo Ansixiyay Sharci Si Adag U Xakamaynaya Baraha Bulshada

Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa meelmariyay sharci si adag loogu xakameynayo baraha bulshada. Waa tallaabo ay hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ku tilmaameen “mid halis wayn ku ah xuriyadda hadalka.”

Sharciga wuxuu dhigayaa in qof kastoo leh bog ay ku xiran yihiin in ka badan hal milyan oo Turki ah, inuu xafiis ka furto dalka uuna u hoggaansamo dalab kasta oo ah in ay farriimaha qaar tirtiraan.

Haddii shirkadaha ay diidaan waxay wajihi doonaan ganaax iyo in qadka internet-ka laga jaro.

Facebook, Twitter iyo YouTube weli kama aysan hadlin go’aankan.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa baraha bulshada ku tilmaamay “anshax xumo” mana uusan qarinin sida uu u jecel yahay in si adag loo xakameeyo.

Xeerka waxaa dalbaday xisbiga talada haya ee AKP iyo midka xulafada la ah ee MHP, kuwaas oo haystay aqlabiyadda baarlamaanka Turkiga.

Waxaana sharcigan cusub la meelmariyay manta oo Arbaco ah.

Xilliyo hore, maamulka Turkiga waxay si ku meelgaar ah u jareen internet-kaI, si shacabka aysan uga hadlin weerarro argagixiso.

Sharcigan cusubna wuxuu ogolaanaya in shirkadaha laga jaro internet-ka boqolkiiba 95, taas oo sababeysa in ay shaqeyn waayaan.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa tallaabadaas ku tilmaamtay “middii ugu dambeysay oo weerar toos ah ku ah xuriyadda hadalka ee Turkiga”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here