Gabdho xabsi iyo ganaax lacageed ku muteystay TikTok

0
373

Gabdho xabsi iyo ganaax lacageed ku muteystay TikTok

Maxkamad ku taal dalka Masar ayaa min shan sano oo xabsi ah ku xukuntay shan gabdhood ka dib markii lagu eedeeyay in barahooda TikTok ay soo dhigeen “muuqaallo anshax xumo ah”.
Gabdhahani oo aan dhammaantood magacyadooda la shaacin ayaa sidoo kale lagu ganaaxay ku dhawaad min 19,000 oo doolar.
Waa markii ugu horreysay oo xabsi lagu xukumo dadka saameynta ku leh baraha xiriirka bulshada oo ay dowladdu dooneyso in ay xakameyso.

Hawlwadeennada u dhaqdhaqaaqa xorriyadda hadalka ee dalkaasi ayaa durbaba billaabay olole dhanka intarneedka ah oo ay ku dalbanayaan in gabdhahaasi xabsiga laga sii daayo.
Shabakadda Al-Ahraam ee ku hadasha afka dowladda ayaa sheegtay in haweenkaasi lagu helay dambi ah in ay ku tunteen anshaxa iyo mabaa’diida bulshada reer Masar iyo in ay sawirro iyo muuqaallo anshax xumo ah soo dhigeen intarneedka, kuwaa oo la sheegay in ay dhibsadeen dadka shacabka ahi.
Saddex ka mid ah gabdhahaasi oo aan magacyadooda la shaacin ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay ka qeyb qaateen wicitaan maqal iyo muuqaal ah oo ay la yeesheen rag.
Dowladda Masar ayaa in dhawaale wadday olole ay ku soo xirxireyso gabdhaha caanka ku ah baraha xiriirka bulshada ee sida TikTok.

Gabar lagu magacaabo Hosaam ayaa xabsiga la dhigay bishii Abriil ka dib markii ay barteeda TikTok soo dhigtay muuqaal saddex dhaqiiqo soconayay oo ay dadka boggeeda ku taxan ku dhiirigelinayso in gabdhuhu ay tahay in ay iyada la shaqeeyaan si ay lacag u helaan.
Gabar kale oo iyana lagu magacaabo Adham ayaa bishii Maajo xabsiga la dhigay ka dib markii ay muuqaal kaftan ah soo dhigtay bogaggeeda TikTok iyo Instagram, kuwaa oo ay ku taxan yihiin ugu yaraan laba milyan oo qof.
Gabdhahaasi ayaa lagu soo eedeeyay in ay faafinayeen “anshax xumo iyo fisqi” balse waxaan wali la kala caddeyn muuqaallada iyo sawirrada ay dowladdu u aragto in ay yihiin anshax xumo.
Marka la eego sharciga dalka Masar, eedeymaha la xiriira fisqiga ayaa ah kuwo loo adeegsado siyaabo kala geddisan.
Xafiiska xeer ilaalinta dalkaasi ayay inta badan tahay midka go’aamiyo eedeymaha la dhihi karayo waa kuwo anshax xumo iyo fisqi ah isla markaana lid ku ah anshaxa iyo dhaqanka bulshada dalkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in isticmaalka TikTok uu indhawaale aad ugu soo badanayay dalka Masar, gaar ahaanna wixii ka dambeeyay xayiraadihii ay dowladda dalkaasi ku soo rogtay dalka ee lagaga hortagayay faafitaanka cudurka safmarka ah ee Covid-19..

Bbcsomali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here