Saciid Deni oo sharci darro ku tilmaamay ridistii Kheyre, kuna eedeeyay Madaxweyne Farmaajo…

0
378

Saciid Deni oo sharci darro ku tilmaamay ridistii Kheyre, kuna eedeeyay Madaxweyne Farmaajo…

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadistii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo maalin ka hor Golaha Shacabka uu qaab fowdo iyo buuq ku jiray u riday, iyadoo aan loo marin hab dastuurka waafaqsan.

Saciid Deni oo xalay ka hadlayay magaalada Gaalkacyo oo uu kulan kula qaatay Golihiisa Wasiirada ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu dastuurka jebiyay, isla markaana xil ka qaadistii Kheyre aan loo marin habraac sharci ah.

Waxaa uu sheegay in xil ka qaadista Kheyre ay maji xaabineyso wixii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb, isla markaana lagu xagal daacinayo shirka soo socda iyo in horay loo socdo.

“Wixii ka dhacay Baarlamaanka waa wax lagu xagal daacinayo oo la rabo in lagu burburiyo shirkii Dhuusamareeb, Arrintaasi waxaan runtii mas’uuliyadeeda saaraya Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah oo aan dhihi karo dadkii meeshaasi isugu yimid si wanaagsan ulama dhaqmin, maxaa yeelay wixii uu noo sheegayey iyo waxaan ku heshiinay oo dhan wax aan aheyn ayuu ku dhaqaaqay”ayuu yiri Saciid Deni.

Saciid Deni oo sii hadlayay ayaa yiri “Baarlamaanku wixii uu sameeyay waxaa muuqanaysa inuusan marin hab-raacyadii, Raíisul wasaaruhu xilku waa meerto, shalayba waa la magacaabay, Baarlamaanka ayaa ogolaaday, Baarlamaanku awood buu u leeyahay inuu ka qaado, Wixii shalay meesha ka dhacay waxay ka hor imaanaysay dhammaan Shuruucda dalka u daganeyd iyo hab-raacyadii lagu yaqaanay marka la rabo in la eedeeyo Raíisul wasaare oo la rabo in xukunka looga qaado,
Iyadoo aan eedayn loo soo jeedin, iyadoo aan Ajandaha lagu darin, iyadoo aan loo codeynin, ayuu guddoomiyaha Baarlamaanku wuxuu ku dhawaaqay in xilkii laga qaaday, waxaase cajiib ah oo kasii daran in Madaxweynihii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku celcelin jiray waxaan illaalinay Dastuurka, uu si deg deg ah ku aqbalay arrintaa sharci darada ah
Waxaa intaa ka daran in Raíisul wasaarihii oo Dhuusamareeb ka tegin inuu wareegto kusoo saaray, in uu xilka sii hayn doono Raíisul wasaare kuxigeenka, wuxuu Madaxweynuhu si cad ugu tuntay qodobka 103 ee Dastuurka oo cadeynaya Marka uu Raíisalwasaaraha xilka laga qaado ama uu iska casilo in uu xilka sii wadayo illaa uu la wareegayo qofka kale ee lasoo magacaabay, In Madaxweynuhu wareegto uu xilkii Raíisul wasaarah ku wareejiyo Raíisul wasaare ku xigeenka, iyaduna waa qodob Dastuuri ah oo la jebiyey oo runtii halis keenaysa.

Waxa aad u muuqanaysa Madaxweynuhu inuu diyaar u aheyn inuu dalka Doorasho geliyo, Madaxweynuhu inuusan diyaar u aheyn inuu dalka si dimuqraadiya u maamulo… Waxa ay waxani u dhaceen oo dhan inay tahay in lagu diidayo Shirkii lagu balansanaa 15kii Bisha Ogoosto in lagu qabto Dhuusamareeb, iyo in Guddigii Farsamada uu keeno wax dadka Soomaaliyeed ay ku heshiin karaan.

Waxaan dadka soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan u cadeynaynaa inaan raali ka aheyn sida wax u socdaan, aana ka digeyno dalka meesha uu ku socdo oo keeni karta kalsoonidii la dhisayey iyo dowladdii geedi socodkeeda la dhisayey iyo wanaagii laga shaqeynayey inay dhaawac weyn u keento oo ayna mugdi geliso dalka meesha uu ku wajahanyahay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here