Mashquul Xoogan Oo Ka Jira Madaxtooyada Somaliya Iyo Farmaajo Oo Bilaabay Wada Tashiyo Kala Duwan

0
396

Mashquul Xoogan Oo Ka Jira Madaxtooyada Somaliya Iyo Farmaajo Oo Bilaabay Wada Tashiyo Kala Duwan

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa bilaabay wadatashiyo ku aadan soo magacaabista Ra’isul Wasaaraha cusub ee badali doona Xasan Cali Kheyre.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay la kulmay Gudoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Maxamed Mursal Sheekh, iyo masuuliyiin kale oo aad ugu dhaw dhaw .

Madaxweyne Farmaajo ayaana xubnaha uu la kulmay kala tashanayay magacaabista Ra’isul Wasaaraha cusub ee badalaya Ra’isul Wasaare Kheyre oo shalay si lama filaan ah Xildhibaanada golaha shacabka kalsoonida ugala noqdeen.

Madaxtooyada ayaana saacadihii laso dhaafay laga dareemayay mashquul badan , waxaana madaxtooyada buux dhaafiyay siyaasiyiin iyo xildhibaano badan oo taageersan Madaxweyne Farmaajo kuwaa oo doonaya in xukuumada cusub kasoo muuqdaan.

Ilo ku dhaw dhaw Madaxweyne Farmaajo ayaa laga soo xigtay in Madaxweynaha doonayo in si deg deg ah usoo magacaabo Ra’isul Wasaare cusub si shaqada golaha wasiirada loo dar dargaliyo.

Siyaasiyiin badan oo u hanqal taagaya xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo kooxo dadaaley siyaasadeed ah ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa in Madaxtooyada tageen si ay Madaxweyne Farmaajo ula kulmaan .

Ra’isul Wasaaraha cusub ee badali doono ra’isul Wasaare Kheyre ayaan wali la ogeyn cida uu noqon doono, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in laga yaabo in Ra’isul Wasaaraha loo magacaabo shaqsi aad ugu dhaw Madaxweynaha halka warar kalana sheegayaan in suurto gal tahay in Mucaaradka laga soo xulo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here