DHACDO: Gabadh Dishay Laba Ka Mid Ah Dabley Hore U Dishay Waaliddiinteeda

0
1475

DHACDO: Gabadh Dishay Laba Ka Mid Ah Dabley Hore U Dishay Waaliddiinteeda

Gabar da’yar oo u dhalatay dalka Afghanistan ayaa baraha bulshada si weyn looga hadal hayaa kaddib, marki ay dishay laba ka mid ah dabley ka tirsan ururka Taalibaan oo dilay waalidkeed, iyada oo gabadhaasi lagu tilmaamay “halyeeyad” geesi ah.

Mas’uuliyiinta gobolka Ghor waxay sheegeen, gabadha yar iney qaadatay qoriga AK-47 oo ay waaliddiinteeda lahaayeen, kaddibna ay dishay laba ka mid ah dableydi weerarka soo qaatay qaar kalana dhaawacday.

Waxayna intaa ku dareen, dabley ka tirsan ururka Taalibaan iney aabbaheed soo weerareen iyaga oo ku beegsanaya aabbaheed inuu dowladda taageero u yahay.

Gabadhan yar ee qoriga haysata uu sawirkeeda muuqda ayaa maalmihi u dambeeyey si weyn loo hadal hayey.

Waxyar kaddibna tiro maleeshiya ah ayaa guriga ay gabdhaasi yar ku sugneed oo ku yaallay tuulada Girwa soo weeraray, haseyeeshee waxaana dableydi iska difaacay dadka deegaanka iyo maleeshiyaad dowladda taabacsan.
Mas’uuliyiinta dalka Afghaanistaan waxay sheegeen gabadhan yar ee iska difaacday ragga soo weeraray iney da’deeda u dhaxeyso 14-16 jir, gabadhaasi yar iyo wiil iyo gabar ka yar ayaa hadda loo qaaday goob ammaankooda lagu sugo.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa taageero aad u weyn u muujiyey gabadhaasi yar ficilka ay sameysay.

“Waxaan ku jecelahay geesinimadeeda” waa oraah ay wakaaladda AFP ka soo xigatay nin Facebook isticmaalo oo lagu magacaabo Najiib Rahmi.

“Waan ogahay iney waaliddiintaada kuu soo laabaneyn, balse aarsashada aad sameysay waad ku nafiseysaa,” ayuu yiri Mohamed Saalax oo Facebook isticmaalo.

Warbaahinta maxalliga waxay sheegeen, Ghor waxay ka mid tahay deegaannada galbeedka Afghaanistaan ku yaalla ee aadka u dib dhacsan iyada oo ay ka dhacaan falal aad u badan oo liddi ku ah dumarka.

Ururka Taalibaan ayaa heshiis nabadeed la saxeexday Mareykanka bishii February iyada oo ururka xubno badan oo ka tirsan ururka Taalibaan ay ku baaqayaan in la afgambiyo dowladda Afghaanistan iyo dastuurka dalkaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here