Axmed Madoobe Oo Kulan La Qaatay Xildhibaannada Laga Soo Doorto Degaannada Jubbaland

0
487

Axmed Madoobe Oo Kulan La Qaatay Xildhibaannada Laga Soo Doorto Degaannada Jubbaland

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Dhuusomareeb ee Caasimadda Galmudug waxa uu kula kulmay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ku matala Jubbaland & wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Kulankan ayaa ahaa mid la isku xog waraysanayay Xaalada guud ee dalka uu marayo iyadoo Madaxweynahu uu dhamaan Xildhibaanada Jubbaland ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu ku marti qaaday Jubbaland si looga wada tashado Arimaha masiiriga ah ee dalka.

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo kamid ah Xildhibaannada la kulmay Axmed Madoobe ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ka codsaday Xildhibaannada inay dib ugu soo laabtaan deegaannada Jubbaland si ay uga tashadaan arrimo farabadan.

“Waxaan Kulan kala warqaadasho iyo is-xog wareysi la qaadaney Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubballand anagoo ka kooban Xildhibaanada Labada Aqal BFS ku matala DG Jubballand ee ku sugan Dhuusamareeb, waxaan iska xog wareysaney Xaalada guud ee dalka uu marayo, wuxuu dhamaan Xildhibaanada Jubbaland ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu ku nuux nuuxsadey inuu Xildh: ku marti qaaday Inay Dib ugu Soo laabtaan Jubbaland si looga wada tashado Arimaha masiiriga ah ee dalka.

Magaalada dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa waxaa weli kulamo gaar gaar ah ka wada Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka kajira,kuwaas oo halkaasi uga qeyb-geli doona kulan u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here