Madaxweynihii 2aad ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo geeriyooday

0
597

Madaxweynihii 2aad ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo geeriyooday

Madaxweynihii 2-aad ee Dowlad Goboleedkaas Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Allaha u naxariistee Maxamed Cabdi Xaashi oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii kaalinta ka qaatay dhismaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qoraal ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu xaqiijiyay geerida Maxamed Cabdi Xaashi,waxaana ka tacsiyeeyay geeridiisa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

“Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore Dowladda Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii kasoo shaqeeyay dhismaha Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxweyne Deni.

Allaha u naxariistee Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu lasoo shaqeeyay AUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed Madaxweynihii ugu horeeyay ee Dowlad Goboleedka Puntland, kaalin muuqato ayay ka qaateen dhismaha maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here