Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Maanta Furmaya

0
532

Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Maanta Furmaya

Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka ayaa Maanta oo Sabti waxaa la filayaa in Shirweyne uga furmo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, kaasi oo lagu waday inuu shalay furmo, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimd.

Shirkaan ayaa waxaa uu sigaar ah u dhexmari doonaa Madaxweyneyaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Puntland iyo Galmudug oo Shirkaas marti-gelineysa, waxaana looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo dhinacyada qorsheeyeen.

Qodoboda ugu waaweyn ee Shirka looga hadli doono inta uu socdo ayaa waxaa kamid ah sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka dowlad Goboleedyada dalka iyo dowladda Feederaalka, xalinta Khilaafyada jira, xalinta tabashooyinka Maamulada ee dowladda iyo Arrimaha Doorashooyinka dalka ka dhaca.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona waddooyinka la dhigay ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo sugaya amniga Madaxda Dowlad goboleedyada ee ku sugan halkaas.

Sidoo kale Madaxweyneyaasha ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay yeesheen kulamo gaar gaar ah oo ay isaga xog-wareysanayeen Arrimo kala duwan, isla markaana ay u diyaar garoowayaan Shirweynaha Maanta u furmaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here