MUQDISHO: Wasaarada Waxbarashada oo maanta qaadaysa imtixanka fasalada 8aad

0
553

MUQDISHO: Wasaarada Waxbarashada oo maanta qaadaysa imtixanka fasalada 8aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta bilowday qaadista imtixaanka ardayda fasalada 8aad ee dugsiyada Dhexe.

Imtixaanka oo ay hore u qaadi jireen daladaha waxbarashada ayaa dowlada federalka markii ugu horeysay ay bilowday sanadkan inay qaado imtixaanka.

Hase yeeshee imtixaanka oo hore loo qorsheeyay in uu dhaco bishii May ayaa waxaa ku yimid dib u dhac uu sababay cudurka Covid-19.

Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Ardayda u rajeeyay in si wanaagsan u galaan, isla markaana ay dhowraan shuruucda cusub ee ka dhalatay Covid-19.

imtixaanka ayaa waxaa u fariisanaya illaa afartan kun oo arday oo ku kala sugan Maamulada Hirshabelle,Galmudug,Koofurgalbeed,Jubbaland iyo gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here