Majaajilaystihii Ugu Shactirada Badnaa Bollywood Oo Dhintay

0
1026

Majaajilaystihii Ugu Shactirada Badnaa Bollywood Oo Dhintay

Majaajiliistaha shirkadda filimada Hindiga ee Bollywoodka Johnny Lever, oo ay Soomaalida u taqaanno Amadi, ayaa ka qeyb galay aaska rug caddaagii shactirada filimada ee loo aqoon jiray jiray Jagdeep, oo arbacadii geeriyooday.
Syed Ishtiaq Ahmed Jaffrey, oo aan loogu garanayay magaciisa masraxyada ee Jagdeep, wuxuu ku geeriyooday da’da 81 sano.
Shactiroolahan, oo xirfaddiisa jilliinka si weyn looga daba dhacay tobannaan sano oo uu fanka ku jiray, wuxuu kasoo muuqday in ka badan 400 oo filim.
Johnny Lever(Amadi) wuxuu ka mid yahay majaajiliisteyaasha hadda sida weyn loo yaqaanno, laakiin wuxuu mar walba ficilladiisa qosolka leh uga dayan jiray Jagdeep oo gacanta soo qabtay markii uu ku soo biirayay jilliinka.
Lever ayaa markii uu geerida Jagdeep maqlay boggiisa Facebook kusoo qoray sidan: “Filimkeygii ugu horreeyay oo aan markii ugu horreysay ku soo hor istaagay kaamirada wuxuu ahaa #yehrishtanatoote, waxaanaku jiray rugcaddaaga laftiisa #Jagdeep. Waan kuu xiisi doonnaa…. ducadeenna waxay la jirtaa qoyska waana u tacsiyeynayaa.”

Syed Istiaq Ahmed Jafri, waxaa galabnimadii Khamiista lagu aasay qabuuraha ay leeyihiin Shiicada Iiraaniyiinta ee ku yaalla koonfura Magaalada Mumbai.
Waxaa aaskiisa – oo uu hoggaaminayay wiilkiisa Jaaved Jaaferi – ka qeyb galay jilayaal kale iyo qaar ka mid ah dadkii ay isla soo shaqeeyeen.

Jagdeep wuxuu xirfadda jilitaanka billaabay isagoo carruur ah, filimkiisii ugu horreeyay ee uu shactirada ku jilayna wuxuu ahaa Afsana, oo soo baxay sanadkii 1951-kii.
Inkastoo uu doorar kale matali jiray, wuxuu si weyn ugu caan baxay dhinaca majaajilada. Waxaa aad loogu xasuustaa filimkii laga daba dhacay ee Sholay, kaasoo uu ku jilayay magaca Soorma Bhopali.
Sholay, oo soo baxay 1975-kii, waxaa kula jiray jilayaal caan ah oo ay ka mid yihiin Amitabh Bachchan (oo Soomaalidu u taqaanno Cali Dheere), Dharmendra (Dalaamandar), Amjad Khan iyo Hema Malini.
In ka badan 50 sano ayey si aan kala joogsi lahayn u socotay xirfaddiisa.
Filimkii ugu dambeeyay ee uu Jagdeep kasoo muuqday wuxuu ahaa Gali Gali Chor Hai, oo soo baxay 2012-kii, uuna la jilayay Akshaye Khanna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here