Dowladda Somalia Oo Shaacisay Xiliga La Bilaabayo Bixinta Baasaboorka

0
490

Dowladda Somalia Oo Shaacisay Xiliga La Bilaabayo Bixinta Baasaboorka

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dib loo bilaabi doono howlaha bixinta Baasaboorka Soomaaliya oo bilihii lasoo dhaafay u xayirnaa bixintiisa sababo la xiriira faafida Cudurka halista ah ee COVID-19.

Qoraal kasoo baxay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa lagu sheegay in Maalinta barrio o Axad si rasmi ah u bilaaban doonto howlihii bixinta Baasaboorka Soomaaliya.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Hay’adda Socdaalka ay soo saartay hab Cusub oo lagu doonayo in looga hortego faafida Cudurka, isla markaana waxaa dadka qaadanaya Baasaboorka laga dalbaday inay raacaan habka Cusub.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) waxey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa ku wargelineysaa in maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay,July 12, 2020, dib loo bilaabi doonto howlihii bixinta Baasaboorka.

Hadaba iyadoo laga taxadarayo waxyeelada caabuqa COVID-19 waxay Hay’addu soo saartay hab cusub oo laga doonayo muwaadiniintu in ay raacaan, wuxuuna noqonayaa sida soo socota:

-Xaruun kasta oo baasaboorka laga bixiyo waxay qaabili doontaa kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray (50%)

-Muwaadin walba oo imaanaya Xarumaha bixinta Baasaboorka waxaa laga doonayaa in uu xiranaado Af-xir (MASK) iyo Gacmo-gashi (Gloves) marka uu soo galayo xaruunta iyo inta uu gudaheeda ku jiro.

-Qofkasta waa inuu ilaaliyaa masaafada kala fogaanshaha ( Social Distance) iyadoo qof walba laga doonayo in uu istaago barta loo calaamadeeyay ama loo tilmaamey.

Dhanka kale, codsiyada baasaboorka ee muwaadiniinta ku nool Gobolka banaadir oo tiro ahaan ka badan deegaanada kale awgeed, waxaa loo Diyaariyay labada xaruumood ee baasaboorka laga bixiyo oo mid waliba qaabili doonto codsiyada muwaadiniinta degan degmooyinka raacsan sida:-

1:-XARUNTA CABDICASIIS (Dhismaha Wasaaradda Kalluumeysiga): waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 8- Degmo oo kala ah: -Cabdicasiis, KAARAAN, HILIWAA, SHIBIS, SHANGAANI, BOONDHEERE, XAMARWEYNE, YAAQSHIID.

2:- XARUNTA HODON (Guriga Shaqaalaha):- waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 9-Degmo oo kala ah : -HODON, WAABARI, WARTA-NABADA, WADAJIR, KAXDA, DEYNIILE, HOWLWADAAG, XAMAR JAJAB, DHARKEYNLEEY.

Ugu dambeyn, HSJ waxey ka codsaneysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay nidaamka iyo hababka cusub dhowraan, isla markaana la shaqeeyaan howl-wadeenada naftooda huraya ee u adeegaya waqtiga adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here