Wararkii u dambeeyay diyaar garowga Shirka Dhuusamareeb iyo wafuud ku qulquleysa

0
401

Wararkii u dambeeyay diyaar garowga Shirka Dhuusamareeb iyo wafuud ku qulquleysa

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in diyaar garow ballaaran loogu jiro shirka u dhaxeeya Dowlad goboleedyada oo la qorsheeyay inuu dhaco 9-ka bisha July oo ku beegan maalinta berri oo Khamiis ah.

Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo Guddiyo kala duwan loo saaran qaban qaabada shirka iyo soo dhoweynta wafuuda imaaneysa.

Madaxda maamul goboleedyada afarta ah ayaa maalinta berri tagaya Dhuusamareeb, iyadoo shirka lagu wado inuu furmo maalinta jimcaha ah, halka maalinta berri ay tahay maalin soo dhoweyn ah.

Wararka ayaa sheegaya in wafuud kala duwan ay ku qulquleyso magaalada, kuwaasoo hordhac u ah Madaxda dowlad goboleedyda.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Ciidamada Puntland ee loo yaqaano PSF iyo kuwa Danab oo ka soo baxay Gaalkacyo ay ku wajahan yihiin Dhuusamareeb, si ay uga qeyb qaataan sugida amniga wafuuda imaaneysa.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaahiye Qoorqoor ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb, kaddib safaro uu ku marayay deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud.

Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska ee loo yaqaano Haramcad laga saari doono magaalada Dhuusamareeb, waxaana la sheegayaa in maamul goboleedyada qaar ay tuhun ka qabaan ciidankaas oo hoostaga dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here