Madaxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay Shirka Ka Furmaya Dhuusamareeb

0
323

Madaxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay Shirka Ka Furmaya Dhuusamareeb

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa faah faahin ka bixiyay qodobada looga hadli doono Shirka la filayo in Madaxda Maamul Goboleedyada ku yeeshaan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Deni oo warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in shirkaas uu dhici doono 9-ka bishaan looga hadli doono Arrimo kala duwan oo ay ugu waaweyn yihiin Arrimaha Doorashooyinka dalka, xalinta Khilaafyada jira iyo Arrimo kale.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu sheegay shirkaas uu noqon doono mid muhiim ah oo Madaxda Maamul Goboleedyada yeelan doonaan, isla markaana uu rajeynayo in laga soo saaro Qodobo sameyn doona Isbedel dhab ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu tilmaamay in qodobada ay ku jiri doonaan ka hadalka Khilaafka dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo muddo dheer soo jiitamayay, isla markaana arrintaas xal laga gaari doono.

Shirka Magaalada Dhuusamareeb ay ku yeelan doonaan Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada dalka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, kadib markii uu fashilmay shirkii uu Madaxweyne Framaajo ku Casuumay Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, waxaana shirkaas qaadacay Puntland iyo Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here